U bood dhigaalka

Maamulka Puntland oo Ku Celiyay in Aysan Ku Jirin Dagaalka Somaliland iyo SSC

Sheeko:Amniga

Dowlad goboleedka  Puntland ayaa markale ku celiyay in aysan qeyb ciidameeda ka aheyn dagaalka ka dhacaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, xilli Somaliland dhankeeda ay sheegtay in dagaalka ay ku jiraan ciidamo ka tirsan Puntland iyo kuwa dowladda federalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha federalka iyo dimuquraadiyeynta Puntland ayaa lagu sheegay in dagaalka Laascaano aysan qeyb ka aheyn ciidanka maamulka, iyadoo magaalada ay ku dagaalamayaan bil ku dowaad ciidanka SSC iyo Milatariga Somaliland , kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Magaalada Laascaanood oo labadii maalin ee la soo dhaafay yare deganeed ayaa waxaa muddo bil kudhow ku dagaalamayay ciidamada Milatariga Somaliland iyo xoogga deegaanka, kuwaas oo diidanaa joogintaan ciidanka maamulka ee magaalada, waxaana dagaalka ka dhashay khasaare naf iyo maaliyadeed ah.

 

No photo description available.

Goobjoog News