U bood dhigaalka

Maamulka Puntland Oo Lagu Eedeeyay Dilalka Ka Dhaca Duleedka Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo qaarkood ayaa ku eedeeyay mamulka Puntland in mas’uul uu ka yahay dilal loo geystay dad shacab ah, kuwaa oo ka dhacay duleedka magaaladaasi.

Nabadoon Cali Xuseen Cali oo ka mid ah waxgaradkaan ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in ciidamo ka mid ah maamulka Puntland ay maalmo gudahooda siyaabo kala duwan dad shacab ah ugu dileen deegaanno duleedka ka ah Gaalkacyo.

“Shalay oo ugu dambeysay ciidamada Puntland waxay dileen nin shacab ah oo aqalkiisa harsanaya, waxaa dul yimid gaari tigniko ah, waana la toogtay ninkaasi, waxaana leh gaariga ciidamada Puntland, xero la yaqaano ayuu gaarigaasi kasoo baxay, iyadii ayuuna ku laabtay” ayuu yiri Nabadoonka.

Sidoo kale Nabadoon Cali Xuseen ayaa sheegay in maamulka Puntland aanu diyar u ahayn in laga wada hadlo dhibaatooyinka jira, isaga oo si gaar ah u sheegay in shacabka la dilayo ay yihiin kuwa Galmudug.

Maamulka Puntland dhankiisa wax jawaab ah kama aanu soo saarin eedeyntaan loo jeediyay, hase ahaatee deegaanno ku dhaw magaalada Gaalkacyo waxaa dhawaan ka dhacay dilal qaab qabiil u qorsheesanaa.

Goobjoog News