U bood dhigaalka

Maamulka Puntland Oo Lagu Eedeeyay Inuu Hurinayo Colaadda Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Waxgaradka gobolka Mudug ee Galmudug ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inay hurinayaan colaadda ka jirta deegaanno ku yaalla Bariga gobolkaasi.

Afhayeenka Odayaasha dhaqanka gobolkaasi Nabadoon Maxamed Yaasiin Gaani oo la hadlay Goobjoog News ayaa ku eedeeyay in dad kasoo jeeda Puntland ay weerar kusoo qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo deegaannadooda ku sugnaaa waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dadkaan iyaga oo xoolahooda la jooga baa loo yimid, dhinaca Puntland intey kasoo guureen bay dhankeena yimaadeen, dagaalkaan waxaa ka dambeeya dadkaan yimid, markii hore dhibaato lama fileyn, annagu haddii aan nahay shacabka Galmudug cidna dagaal ma aanay qaadin” ayuu yiri Nabadoonka.

Waxa uu sheegay in waxgaradkooda qaar ay Puntland uga shakisan yihiin in dagaalkaan ay hurineyso, balse ka dhaqan ahaan ay ku baaqayaan in nabadda ay wada qaataan.

“Walaalaheen waxaan ugu baaqeynaa in sida aan wax ugu jeedno iyaguna ha arkaan oo ha eegaan duulaannada meesha ay kasoo baxayaan, annagu waxaan u fadhinnaa nabad iyo walaalnimo, wixii dhintay Allaha u naxariisto” ayuu hadalkiisa ku daray Nabadoonka.

Dhanka Puntland kama aanay hadal dagaalladan, hase ahaatee gobolka Mudug waxaa kusoo batay xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya beelaha wada dega gobolladaasi qaarkood.

Goobjoog News