U bood dhigaalka

Maamulka Puntland Oo Loogu Deeqay Gaadiid Ciidan (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Cabdixakiim Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kaga guddoomey hay’adda SSF Afar Gaari oo ah nooca Booliska ee loo Yaqaano Shabaqlaha ee lagu qaado Maxaabiista xilliyada loo wado Maxkamadaha ama Xabsiyada.

Afartaan Gaari ayaa waxaa Maalgelisey Hay’adda SSF islamarkaana waxaa fulinaysey Hay’adda DDG waxaana loogu deeqay baabuurtaan Afarta deegaannada kala ah Xarfo, Godob Jiiraan, Dan-gorayo iyo Isku shuban iyadoona loogu talo galay in looga shaqeeyo arrimaha nabad-gelyada ee deegaannadaasi.

Injineer Camey ayaa kaddib markii uu ka guddoomey hay’addaasi gaadiidka ay dawladda guddoonsiisey waxa uu uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay ugala shaqaynayso dhinacyada kala duwan ee ay ka mid yihiin sugidda nabad-gelyada, barnaamijka ileyska cad-ceedda ku shaqeeya ee laga hirgeliyey magaalooyinka Puntland iyo ceelal biyoodyo laga hirgeliyey deegaanada laamiga ka baxsan.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in gaadiidkaani ay qayb weyn ka qaadan doonaan dedaalka ay Puntlaand ugu jiro sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka guud ahaan magaalooyinka Puntland islamarkaana ay meesha ka saari doonto baahiyihii ay degmooyinkaasi ka qabeen dhinacyada xabsiyada iyo soo qabashada dembiilayaasha.

Camey4 003 002 001

Goobjoog News