U bood dhigaalka

Maamulka Puntland Oo Maanta 18-sano Jirsaday

Sheeko:Dalka

Maanta oo isniin ah waxaa guud ahaan deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Puntland looga dabaaldegayaa 18-sano guuradii kasoo wareegtay markii la aas aasay maamulkaasi.

Magaalooyinka waaweyn ee Puntland waxaa laga dareemayaa u dabaaldegga maalintaan, waxaana munaasabaddo kala duwan lasoo sheegayaa inay ka dhici doonaan magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Ammaanka guud ee Puntland ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana astaamaha maamulkaasi lagu xardhay waddooyinka waaweyn ee magaalooyinka uu ka arrimiyo maamulka Puntland.

Waxaa la filayaa in madaxtooyada Garoowe lagu qabto munaasabad uu hadal ka jeedin doono madaxweynaha maamulkaasi C/weli Maxamed Gaas, islamarkaana looga sheekeen doono taariikhda Puntland.

1-dii August sanadkii 1998 ayaa dhidibada loo taagay maamulka Puntlnad oo ay soo hoggaamiyeen madax kala duwan.

Goobjoog News