U bood dhigaalka

Maamulka Puntland Oo Qiray In Amni Xumi Ay Ka Jirto Gobalka Mudug (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobalka Mudug ee Puntland ayaa qiray in amaan xumi ay ka jirto gobalkaasi gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad gobalka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuure oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in amniga uu qal qal galay, islamarkaana ka maamul ahaan ay bilaabayaan howlgalo amniga lagu xaqiijinayo.

Waxa uu sheegay in wada shaqeyn wanaagsan ay ka dhaxeyso dhanka maamulka Gal-mudug, ayna iska kaashan doonaan cid walba oo nabadda kasoo horjeeda.

Ciidamada amaanka magaalada Gaalkacyo ayuu sheegay in ay wadaan howlgalo ay ku doonayaan in amniga lagu soo celiyo, shacabkana ay ka doonayaan wada shaqeyn.

Magaalada Gaalkacyo waxaa maalmihii dambe kusoo batay qaraxyo iyo sidoo kale dilalka qorsheesan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News