U bood dhigaalka

Maamulka Puntland oo Sheegay inuu Bixinayo Magta Gabar Ku Baxday Gacanta Booliiska

Sheeko:Amniga

Qoraal kasoo baxay wasiirka amniga maamulka Puntland  Cabdisamad Gallan, ayaa lagu sheegay in maamulka uu bixindoono magta gabar yar oo dhowaan ku dhimatay rasaas ay fureen ciidamada amniga magaalada Garoowe.

Qoyska gabadha yar ayaa dalbaday in ay cadaalad helaan lana keeno askarigii dilka geystay, walow aan laga jawaabin codsigii ay gudbiteen, waxaana xigtay qoraalka kasoo baxay wasaaradda amniga maamulkaasi.

Marxuumad Nadiiro Feysal Nuur ayaa 26-kii December waxaa lagu dilay rasaas ay rideen ciidamada, waxaana ay keentay in xabadihii la furay ay ku geeriyooto, booliska ayaana soo jeediyey arrintaan sida lagu xusay qoraalka.

Goobjoog News