U bood dhigaalka

Maamulka Puntland oo xalay bandow ku rogay waqooyiga Gaalkacyo

Sheeko:Dalka
Magaalada Gaalkacyo
Magaalada Gaalkacyo

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug xalay waxaa lagu soo waramayaa in maamulka Puntland uu ku rogay bandow.

Wariyaal ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ciidamada maamulka Puntland ay diideen dhaq dhaqaaqa dadka magaalada.

Goobaha ganacsiga magaaladaas ayaa albaabada loo laabay waxaa wadooyinka Magaalada keliya lagu arkayay ciidamada ammaanka Puntland.

Ciidamada ayaa si feejigan la sheegay in ay ula socdeen heerka ammaan ee magaalada Gaalkacyo, maalin kadib markii khilaaf salka ku haya garoon Galmudug ka hir gelisay magaalada Gaalkacyo uu soo shaac baxay.

Labada maamul hawada ayay isku mariyeen hadallo u badan dhaliilo oo muujinaya khilaafka maamulka Puntland iyo Galmudug.

Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ka wada arrimiya waqooyiga iyo koofurta magaalada Kaalgacyo.