U bood dhigaalka

Maamulka SHabeellaha hoose oo ka deyriyay xaaladaha dadka ku nool aagaga xukuumaddu la wareegtay

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka SHabeellaha hoose ayaa carabka ku dhuftay in dadka ku nool deegaanadii ay gaareen ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ay wajaheen xaalado adag.

Hadalkan waxaa shaaciyay guddoomiye xigeenka arimaha bulshada ee gobalka SHabeellaha hoose, wuxuuna sheegay in meelaha ugu daran ay ka mid tahay Buulo-mareer.

Waxuu tilmaamay in adeegyada caafimaad dadka aysan heli karin xiligan oo nolal aan fiicnayn ay ku nool yihiin qoysaska ku dhaqan deegaano ka mid ah gobalka SHabeellaha hoose.

Masuulkan ayaa sidoo kale xusay in ballanqaadyo ay ka heleen wasaarada caafimaadka iyo beeraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kawaas oo hore u sheegay in ay gargaar la gaari doonaan deegaano dhowr ah oo hoos yimaada gobolka SHabeellaha hoose.

Degmada Buulo mareer ayaa ka mid ah degmooyinkii u dambeeyay oo ay ciidamada huwanta si buuxda ula wareegeen maalmihii u dambeeyay.

Hoos ka dhageyso codka guddoomiye xigeenka Sh/hoose dhanka arimaha bulshada: