U bood dhigaalka

Khilaaf u Dhaxeeyay Booliiska Iyo Maxkamadda Racfaanka Shabellaha Dhexe Oo La Xalliyay

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Shabellaha Dhexe ayaa ku guuleystay in la xalliyo khilaaf muddo ka dhex taagnaa taliska ciidamada booliiska ee gobalkaasi iyo sidoo kale maxkamadda racfaanka ee gobalka Shabelaha Dhexe.

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Shabellaha Dhexe Sheekh Axmed Ibraahim Sayid oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu isugu yeeray Madaxda Maxkamadda iyo Taliska Ciidamada Booliska Gobolkaasi oo ay wada qaaten kulamo looga arinsaday sidii meesha looga saari lahaa qilaafka ka dhex jira dhinacyadaasi.

Waxa uu tilmaamay in ay si isku mid ah u dhameeyeen is faham waagii oo ay haatan sidii loogu talagalay shaqada u qabato Maxkamadda racfaanka Gobolka Shabellaha dhexe.

“Khilaaf aan badneyn baa jiray, laakiinse maamulka gobalka oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha ayaa arrintaasi soo fara geliyay waana la xalliyay”

Dhinaca kale Gudoomiyaha ayaa beeniyay Jiritaanka wararka sheegaya in Xaalado Nolol Xumo iyo Caafimaad daro ay ka jiraan Xabsiga Magaalada Jowhar, ka dib warar arimahaan ku saabsan oo maalmahan la’isla dhexmarayay.

“Waxaas waa dicaayad, xabsiga waan kormeernay, wixii waaweyn Xamar ayaa loo gudbiyaa, wixii kalena 24-saac ayaa lagu xukumaa, maxaabiis badan kuma jirto xabsiga dadka xiranna xaaladooda aad bay u wanaagsan tahay” ayuu yiri gudoomiyaha maxkamadda racfaanka.

Khilaaf ayaa ka dhex taagnaa madaxda maxkamadda racfaanka iyo saraakiisha booliiska ee gobalka Shabellaha Dhexe, kaasi oo la sheegay in uu ka dhashay arrimo dacwado la’isku haysto iyo xallintooda.

Goobjoog News