U bood dhigaalka

Maamulka Shabellaha Hoose: Isbedal Dhanka Amniga Ah Ayaan Sameyn Donnaa

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in sameyn doonaan isbedal amni degdeg ah kadib markii ay xoogeysatay weerarada Al-shabaab ku qaadeen deegaanno kamid ah gobolkaasi, gaar ahaan degmada Afgooye.

Cali Nuure oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee maamulka gobolka Shabellaha Hose oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in  ciidamada ammaanka ay heegan buuxa ku jiraan, islamarkaana ay difaacayaan degmo walbo oo maamulkooda ka arrimiyo.

Waxa uu sheegay in hadda aysan Al-shabaab u suurtageli doonin in weeraro ay kusoo qaadaan degmada Afgooye iyo deegaannada kale ee ay joogaan ciidamada dowladda Federaalka.

“Cadowgii nagu soo duulay waan iska difaacnay, waxaan sidii ahayd u ilaalinnay ammaanka dalka, sidoo kale waxaan difaac adag ka galnay weerar walbo oo cadowga inagu soo qaado” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Sidoo kale guddoomiye Nuure oo mar soo hadal qaadey deegaannada ay dib uga soo baxaan ciidamada dowladda ayuu sheegay in sababta ugu weyn ay tahay ciidamada oo sheega ineysan helin xuquuqdooda, islamarkaana ay aad u mural jabsan yihiin.

Ciidamada Al-shabaab ayaa xoojiyey weerarada ay ka geystaan gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan degmada Afgooye, iyadoo weeraradii ugu dambeeyey ee ka dhacay degmadaasi ay khasaare kala duwna geysteen.

Goobjoog News