U bood dhigaalka

Maamulka Shabellaha Hoose Oo Beeniyay In Ciidamada AMISOM Ay Shacab Ku Dileen Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Shabellaha Hoose ayaa meesha ka saaray jiritaanka in ciidamo ka mid ah AMISOM ay dad shacab ah ku dileen magaalada Marka ee xarunta gobalkaasi.

Afhayeenka maamulkaasi Maxamed Shiine oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dadka ku dhintay magaalada Marka ay ahaayeen Al-shabaab iyo dad taageera waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay Afhayeenka in warkaasi ay baahiyeen dad dano kale leh, laakiinse aysan ka warhayn meel dad shacab ah lagu laayay.

“Meel shacab lagu dilay oo maamulkeena iyo Koonfur Galbeed ogyihiin ma jiraan, wixii meeshaasi ku dhintay waa Shabaab iyo Shabaab kalkaal, anaga shacabka waan u adeegnaa waana ognahay waxa la dilay, shacab ayaa la dhibaateeyay cidda dhahday iyadaa og meesha ay ka keeneen” ayuu yiri Afhayeenka.

Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore waxay magaalada Marka ku dileen dad shacab ah, iyaga oo falkaasi u xiray askar la sheegay inay ka dambeeyeen, kana mid ah Taliska AMISOM ee Marka.

Goobjoog News