U bood dhigaalka

Maamulka Sh/hoose Oo Sheegay Iney Bilaabayaa Howlgallo Lagu Furayo Waddooyinka

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in dhowaan ay bilaabayaan howlgallo ay ku furayaan waddooyinka ay xireen Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmadaasi Ibraahin Aadan Najax oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in howlgalka ugu horreeyo lagu furi doono wadada isku xirta Baraawe iyo Afgooye.

Wuxuu shacabka ka codsaday guddoomiyaha iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee howlgallada sameyn doona waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamada dhowaan waxay mar dhow bilaabayaan howlgallo ballaaran oo lagu furayo waddooyinka xiran, Al-shabaab awood baan u adeegsaneynaa, waxaana ku horreyn doonnaa oo aan fureynaa wadada isku xirta Afgooye iyo Baraawe” ayuu yiri guddoomiyaha Shabellaha Hoose.

Al-shabaab ayaa xiray waddooyin badan oo kamid ah gobollada dalka sida Baay, Bakool, Sh/hoose Jubbooyinka iyo Hiiraan.

Goobjoog News