U bood dhigaalka

Maamulka Somaliland Oo Ka Shiray Xariga Fanaaniinta Xidigaha Geeska

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay waxa laga yeelayo xariga Afar Fanaan oo ka tirsan Xidigaha geeska, kuwaa oo magaalada Muqdisho ku dhigay Bandhig faneed.

Wasiirka Arimaha gudaha maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde iyo xubno kale oo ka mid ah wasiirada maamulkaasi ayaa kulan degdeg ah isugu yimid, waxaana lagu falanqeeyay sida laga yeelayo Fanaaniinta xiran.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in xubno ka mid ah wasiirada Somaliland ay soo jeediyeen in dib xurriyaddooda loo siiyo fanaaniinta, halka kuwo kale ay kahor yimaadeen Arrinkaasi.

Shalay ayaa fanaaniinta kala ah Nimcaan Hilaac, Xamdi Queen, Maxamed Cirro iyo Cabdiraxmaan Oday, waxaa lasoo taagay Maxkamad, hase ahaatee markii la waayay gal dacwadeed sax ah oo iyaga laga diyaariyay ayaa maxkamadda waxay sheegtay inaysan maxkamadeyn karin dad aysan ogeyn waxa lagu haysto.

Dib ayaa fanaaniintaasi loogu celiyay xabsiga, iyadoo dhanka kale shacabka Soomaaliyeed meel walba oo caalamka ka joogaan ay aad u cambaareeyeen xariga fanaaniintaan oo ay sheegeen in ay tahay xad gudub, uguna baaqay madaxda maamulka Somaliland in degdeg ay kusii daayaan fanaaniintaasi.

Goobjoog News