U bood dhigaalka

Maamulka Somaliland Oo La Heshiiyay Beello Deggan Koonfurta Gobalka Sool

Sheeko:Dalka

Magaalada Caynaba waxaa lagu soo gabagabeeyay wada hadal u socday maamulka Somaliland iyo beello deggan Koonfurta gobalka Sool, iyaga oo ka heshiiyay khilaaf horay u jiray.

Maamulka Somaliland ayaa wafdi wasiirro ah usoo diray gobalkaasi si loo dhameeyo xiisad jirtay maalmihii ugu dambeysay oo Labada dhinac ah, iyaga oo si wada jir ah usoo saaray qodobo dhowr ah.

Wafdiga xukuumadda Siilaanyo waxaa hogaaminayay wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde, waxaana ka mid ahaa wasiirada Madaxtooyada iyo dib u dejinta maamulkaasi.

Qodobada ay ku heshiiyeen ayaa kala ah:-

  • In La Ilaaliyo Midnimada Somaliland
  • In Amniga gobalka iyo guud ahaan dalka la xoojiyo
  • In Arrimaha bulshada, sida caafimaadka, Waxbarashada ay xukuumaddu wax ka qabato gaar ahaan halka ay beesha degto
  • In laga wada shaqeeyo nabadeynta iyo walaaleynta beelaha derisyada ah
  • Arrimo gaar ah oo beesha ka tabaneysay xukuumadda waa laga heshiiyay, waana la’isku garaabay

Ugu dambeyn wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in heshiiskaan uu yahay guul usoo hoyatay Somaliland, islamarkaana uu ku adkeynayo beelaha ay la heshiiyeen inay dhaqan geliyaan wax walba oo lagu heshiiyay iyaguna diyaar u yihiin fulintooda.

Goobjoog News