U bood dhigaalka

Maamulka Soomaali Galbeed Oo Oromada Ku Eedeeyay Iney Xasuuqeen Maxaabiis

Sheeko:Dalka

Maamulka Soomaali Galbeed ee DDSI ayaa ku eedeeyay Oromada Itoobiya iney xasuuqeen shacab badan oo maxaabiis u ahaa.

Idiris Ismaaciil oo ah madaxa xafiiska dowlad deegaanka maamulkaasi ayaa sheegay iney dileen Oromada 65 ruux, waxaana dadkaasi uu sheegay in ay ahaayeen maxaabiis badan oo ay heysteen Oromada.

Wuxuu tilmaamay Idiris iney tallaab adag qaadi doonaan ka maamul ahaan, islamarkaana ay ka jawaabayaan wixii dhacay.

Xiisad ayaa ka jirta deegaanka Gadule iyo deegaanno kale oo ku dhow, waxaana baahay dagaalka u dhaxeeya Soomaalida iyo sidoo kale Oromada.

Goobjoog News