U bood dhigaalka

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ciidamo gaar ah u diyaariyay ammaanka Cadaado

Sheeko:War

Ximan-Iyo-Xeeb

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in degmada Cadaado ay ka howl gali doonaan ciidamo si gaar ah u ilaaliya ammaanka degmadaasi.

Wasiirka maamulkaasi u qaabilsan arrimaha ammaanka Maxamed Daahir Muxumud ayaa sheegay in ciidamada nabad galyada dib ay ugu soo laaban doonaan deegaanka.Waxa uu sheegay wasiirkan in tallaabadan ay tahay mid ay ku doonayaan si shacabka ay u heli lahaayeen ammaan ay isku haleen karaan.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa 24-kii saac ee u dmbeeyay xaalad deg deg ah ku soo rogay deegaanada uu ka taliyo, Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ee xarunta u ah maamulkaasi ayaa sheegay in arintaan ay oga golleeyihiin xaqiijinta ammaanka deegaanada Maamulka iyo Khataro ammaan oo ay heleen.

Wararka Goobjoog news