U bood dhigaalka

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo dhaliilay wasaaradda Qeyraadka badda ee dowladda Federaalka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa dhaliilay wasaaradda qeyraadka badda iyo Kaluumaysiga xukuumada Soomaaliya, ka dib markii ay sheegeen in qaab qaldan ay wasaaradda u maareysay agab Kaluumeysi oo dhawaan la qeybiyay.

Cilmi Kulane Cabdi oo ah wasiirka Qeyraadka Badda maamulka Ximan iyo Xeeb oo safadda lahadlay waxa uu sheegay in maamulkooda laga sii jeestay, halka maamulada kale ee dalka loo qeybiyay agab Kaluumeysi oo wasaaradda qeyraadka badda dowladda ay keentay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ka maamul ahaan ayuu sheegay in wasaaradaasi xiriir ay la sameeyeen, hase ahaatee ay ka waayeen wax jawaab ah, isaga oo ku cel celiyay in ay xaq u leeyihiin inay helaan wax walba oo lasiiyo maamulada kale ee dalka.

Ugu dambeen ayuu ka dhawaajiyay in dowladda Soomaaliya ay ogaato in maamulka Ximan iyo Xeeb uu doonayo agab Kaluumaysi, gaar ahaan kuwoo dhawaan la qeybiyay.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News