U bood dhigaalka

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo faah faahiyay socdaal xubno ka mi dah maamukaasi ay ku joogaan Gaalkacdyo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ximan-Iyo-XeebMaamulka Ximin iyo Xeeb ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay waxa ay ku saabsan tahay caasuumaad dhawaan ay ka heleen maamulka Gal-mudug State.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi Maxamed Xaaji Xuseen ayaa u sheegay Goobjoog FM in ay jiraan wada hadallo maamulada Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb ka ga furmay magaalada Gaalkacyo, islamarkaana casumaada ay taasi ku saabsan tahay.

Wada hadaladan oo qaarkood ku saleysan maamul u sameynta gobalada dhexe ayuu sheegay wasiirka in loo baahan yahay helida aragti mideysan in si loo gaaro dhismaha maamul loo dhan yahay.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in hadda magaalada Gaalkacyo ay ka dhaceen kulamo hor dhac ah, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan ay dhici doonaan kulamo kale.

Waxaa magaalada Gaalkacyo ku sugan wasiiro, iyo xildhibaano ka mid ah maamulka Ximan iyo Xeeb, waxaana dhanka kale la ogyahay in magaalada Cadaado la filayo in dhawaan lagu dhiso maamul mideeya gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News