U bood dhigaalka

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo guddi dhexdhexaadin ah u diraya degmada Cabuudwaaq

Sheeko:War

Ximan-Iyo-Xeeb

Masuuliyiinta Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in guddi dhex dhexaadin ah ay u diri doonaan Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay ka jiraan dhiillooyin colaadeed.

Wasiirka Maamulkaasi u qaabilsan Ammaanka Maxamed Daaci Muxumed ayaa sheegay in dadka ku nool Degmadaasi ay ka shaqeeyaan Nabad ku wada noolaashaha Deegaanka.

Lama aqbali karo ayuu yiri Wasiirkan in mar kale dhiig uu ku daato Degmada Caabudwaaq oo maalmo ka hor ay ka dhaceen iska hor imaadyo dad badan ay ku dhinteen.

Dagaalkan ayaa Waxaa sidoo kale ka hadlay guddoomiyaha gobolka Galgaduud ee dowladda federaalka Soomaaliya Xuseen Cali WehliyeCirfo, isagoo ku baaqay in si nabdoon lagu dhameeyo xurgufta iyo dagaalka soo kala dhex galay labada dhinac.

Dagaalka labada maleeshiyo ku dhex maray degmada Cabuudwaaq ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.