U bood dhigaalka

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka hadlay halka ay marayso qaban qaabada shirka Cadaado ka furmi doona (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ximan-Iyo-XeebMaamulka Ximan iyo Xeeb ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay halka ay marayso qaban qaabada la doonayo in degmada Cadaado uu uga furmo shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Afhayeenka maamulkaasi Careys Maxamed Xaaji oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in shirka dhawaan uu furmi doono, islamarkaana hadda ay dhanka farsamada ay wax ka dhiman yihiin.

Careys ayaa sidoo kale sheegay in hadda badi degmada Cadaado ay soo gaareen inta badan ergada ka qeyb galaysa shirkaan, kuwa dhimanna ay dhawaan halkaasi gaari doonaan.

Dhanka kale waxa aynu afhayeenka wax ka weydiinay waxa ka jira in degmada Cadaado laga raray shirka maamulka loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, isaga oo taasi been abuur ku tilmaamay.

Halka lagu qabanayo shirkaan ayuu sheegay in ay ahayd arin lagu wada heshiiyay xilli Magaalada Muqdisho lagu kala saxiixanayay heshiiska dhismaha maamulkaan Labada gobal ka koobanaan doona.

Ugu dambeen ayuu Afhayeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Careys Maxamed Xaaji wax uu rajo wanaagsan ka muujiyay in la dhiso maamul balaaran oo ay u wada dhanyihiin shacabka ku dhaqan gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News