U bood dhigaalka

Maamulka Ximan Iyo Xeeb Oo Ka Warbixiyay Kulamo Looga Hadlayay Maamul u Sameynta Gobalada Mudug Iyo Gal-gaduud Oo Cadaado Ka Dhacay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ximan-Iyo-XeebMagaalada Cadaado ee gobalka Gal-gaduud waxaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay kulamo xasaasi ah oo looga hadlayay arimo ku saabsan maamulka loo sameynayo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Wasiirka Arimaha Bulshada Maamulka Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye oo u waramay Goobjoog Fm ayaa sheegay in kulamadaan ay yeesheen maamulkooda iyo sidoo kale xubno uu ka mid yahay Madaxweynaha Gal-mudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Wasiirka ayaa sheegay in kulamadaan diiradda lagu saraay sidii si nabad galyo iyo wadajir ah xooga loogu saari lahaa dhismaha maamulka Gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

“ Waxaa socda wada tashigii iyo gogol xaarkii maamul u sameynta gobalada dhexe, Qeybdiid iyo mas’uuliyiin kale ayeeynu ka maamul ahaan kulamo la yeelanay, waxaana isku afgaranay arimo badan oo ku aadan dhaqaajinta shirkaan” ayuu yiri wasiirka Arimaha Bulshada maamulka Ximan iyo Xeeb.

Dhanka kale Mr Cumar Maxamed waxa uu sheegay in magaalada Cadaado maalmaha soo aadan ay gaari doonaan musharaxiin badan oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka la filayo in loo dhiso Mudug iyo Gal-gaduud.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News