U bood dhigaalka

Maamulka Ximan Iyo Xeeb Oo Rajo Ka Muujiyay In Buuq La’aan Ay u Dhacdo Doorashada Madaxweynaha Galmudug

Sheeko:Dalka

Madaxwaynaha Maamulka Ximan Iyo Xeeb Cabdulaahi Maxamed Cali Baarleex ayaa  sheegay in si cadaalad ah ay ku dhici doonto doorasahada Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Baarleex oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in shalay lagu guuleystay in qaab hamsami ah ay u dhacdo doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, islamarkaana ay rajeynayaan sidaas iyo ka wanaagsan in ay u dhacdo midda Madaxweynaha.

Waxa uu tilmaamay in shacabka ku dhaqan magaalada Cadaado ay ku amaanan yihiin sidii ay martida usoo dhaweeyeen, islamarkaana magaalada oo dhan laga dareemayay doorashadii shalay dhacday.

Dhammaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka ku sugan magaalada Cadaado ayuu sheegay Baarleex in ay soo dhaweeyeen qaabkii shalay wax loo doortay, walibana ay u riyaaqeen arinkaasi.

“Shaqo badan oo lasoo maray waxaan maanta haynaa waxa ay umadda Soomaaliyeed sameysteen, iyaguna ay doorteen, waxaan sidoo kale idiin cadeynayaa hadii uu rabbi saamaxo in doorashada Madaxweyne iyaduna ay sidaan iyo si la mid ah u dhici doonto” ayuu yiri Baarleex.

Waxaa magaalada Cadaado looga diyaar garoobayaa doorashada madaxweynaha Galmudug, maadaama shalay la doortay gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi iyo ku xigeenadiisa.

Goobjoog News