U bood dhigaalka

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo sheegay in Cadaado laga bilaabay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in magaalada Cadaado ay ka bilaabeen howlgalo dar dar ku socda, loogana gol leeyahay in amaanka magaaladaasi lagu xaqiijiyo.

Wasiirka Arimaha gudaha maamulkaasi Maxamed Xaaji Xuseen oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in amaniga ay xooga saareen, maadaama halkaasi lagu qabanayo shirka maamulka loogu sameynayao gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Waxa uu meesha ka saaray in magaalada oo dhan ay saareen Bandoow, laakiin waxa uu tilmaamay in howlgaladaan ay yihiin kuwo ka duwan kuwii hore.

Degmada Cadaado waxaa lagu qabanayaa shir maamul loogu sameynayo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, waxaana heegan buuxa la geliyay ciidamada amniga ee maamulka Ximan iyo Xeeb.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga aynu Wasiirka la yeelanay.

Goobjoog News