U bood dhigaalka

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo soo dhaweeyay hesiis ka dhacay Gaalkacyo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ximan-Iyo-XeebMaamulka Ximin iyo Xeeb ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan heshiis shalay ay magaalada Gaalkacyo kula gaareen maamulka Gal-mudug State kaa oo Afar qodob ka koobnaa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi Maxamed Xaaji Xuseen ayaa sheegay inay u baahan yihiin sidii ay isaga kaashan lahaayeen wax u qabashada dadka ku dhaqan gobalada dhexe, isaga oo heshiiskii dhacay ku sheegay guul soo hoyatay.

Waxa uu wasiirka sidoo kale sheegay ina y rajo ka qabaan iskaashi dhexmara iyaga iyo Gal-mudug si loo kobciyo kaabayaasha dhaqaale ee Labada dhinac.

Labada dhinac waxyaabihii ay shalay ku heshiiyeen waxaa ka mid in la dar dar galiyo shaqada dekadda magaalada Hobyo oo maalin dhoweyd markii ugu horreysay ay ku soo xiratay doon ganacsi in muddo ah kadib.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News