U bood dhigaalka

Maamullada Galmudug Iyo Puntland Oo Farmaajo Ku Booriyay In Uu Ka Shaqeeyo Midnimada, Cadaaladda Iyo Qarannimada

Sheeko:Dalka

Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa hambalyo iyo bagaadin u diraya madaxweynaha cusub ee federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Maamul Goboleedka Galmudug ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ugu hambalyeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo xilka loo doortay.

Maamulkan 2-sano jirsaday waxaa uu sheegay in doorashada Farmaajo ay tahay  mid muujineysa Hannaanka Dimoqoraadiyadda ee Soomaaliya ay ku tillaabsatay

Dhinaca kale, waxaa ay madaxweyne Maxamed Cabdulahi u rajeeyeen in uu dalka ku hoggaamiyo Nabad, Midnimo, horumar iyo Cadaalad.

Dowladda goboleedka Puntland waxaa ay dhankeeda sheegeysaa in ay qeyb ka aheyd isbadal-ka dalka ka dhacay iyo doorashada Madaxweyne Farmaajo iyo intaa raaciyay in ay si buuxda ugu qanacsan yihiin.

Puntland oo sida ay loo sheegtay looga bartey garab istaagga dowladda, waxaa ay ballan-qaaday in ay la shaqeyn doonto Madaxweyne Farmaajo, una rajeysay in uu soo celiyo heybaddii qaranka Soomaaliyeed.

Maamul goboleedyada dalka ka jira oo 4 ka mid ah ay dhismeen dowladdii Xasan Sheekh, waxaa ay horay u wadi karaan ama lugoon karaan hannaanka dowladnimada Soomaaliya, soo dhaweynta maamulladaas ee Farmaajo waxaa astaan muujineysa halka ay u socdaan.

Goobjoog News.