U bood dhigaalka

Maamullada Gobolka Mudug Ee Puntland Iyo Galmudug Oo Ballan Qaadey Xaqiijinta Amniga Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamullada gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa si wadajir ah waxay u ballanqaadeen xaqiijinta amniga magaalada Gaalkacyo oo horey ugu dagaallameen ciidamo kala taabacsan Labadaasi maamul.

Guddoomiyeyaasha Puntland iyo Galmudug u kala qaabilsan gobolka Mudug oo shalay socdaal dheer kusoo sameeyey magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan meelihii lagu dagaallamey iyaga oo wada jira ayaa waxay tilmaameen iney ka go’an tahay xaqiijinta heshiiskii la gaaray.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug Cabdirashiid Carte oo halkaasi saxaafadda kula hadlay wuxuu sheegay in ay xasiloontahay magaalada Gaalkacyo, islamarkaana waxa haray la dhameystiri doono.

Ka maamul ahaan ayuu sheegay iney diyaar u yihiin fulinta heshiiskii Gaalkacyo, iyo sidoo kale in bulshada ay noqoto mid is dhexgasha.

Xasan Maxamed Khaliif, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland oo isna halkaasi hadal ka jeediyey wuxuu sheegay in Gaalkacyo ammaan tahay, isaga oo shacabka ugu baaqey iney kusoo laabtaan magaaladaasi.

Shacabka Gaalkacyo ayaa weli sidii loo baahnaa ugu soo laaban magaaladaasi, weli waxay ka baqayaan iney dhacaan waxyaabo buburin kara heshiisyadii la gaarey.

Goobjoog News

2-2 3-2 4-2 6-2