U bood dhigaalka

Maamullada gobollada dhexe oo si wada jir ah uga hor yimid heshiiskii shalay lagu gaaray Garoowe

Sheeko:Dalka
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
Cabdi Xasan Cawaale QeybdiidMaamullada ka arrimiya gobolada dhexe ee dalka  ayaa maanta si wada jir ah uga hor yimid heshiiskii shalay Garoowe ay ku gaareen dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.

Maamullada ayaa kala ah: Galmudug, Ximan & Xeeb iyo Ahlusunna Waljamaaca.

War saxaafadeed maanta ay soo saareen ayey ku sheegeen maamulladan in heshiiskii Garoowe ay wada gaareen labo dowladood oo siman islamarkaana aysan jirin dowlad dhexe sida ay sheegeen.

Waxa ay ugu baaqeen Madaxweynaha iyo Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya in ay soo faragaliyaan Heshiiska shalay lagu saxiixday Garawe oo ka hor imaanaya Dastuurka KMG ah ee dalka u yaala , waxa ayna ugu baaqeen Madaxda Dowlada in ay fiiro gaar ah u yeeshana Qodobada Dastuuriga ah ee la jabiyay.

Madaxweynaha Galmudug State Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo Warbaahinta la hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Heshiiska ay wada gaareen Dowlada iyo Maamulka Puntiland ,waxa uuna tilmaamay in heshiiskaasi uu ka muuqdo qaladaad badan oo ka hor imaanaya dastuurka KMG ee dalka u yaala.

‘’Hadii uu Xaalka sidan kusii socdo oo qolo waliba ay jabiso Dastuurkii KMG ahaa ee lagu heshiiyay waxa uu xaalka noqon doonaa in cid waliba quraceeda hoosteeda ay maamulato ayna meesha ka baxdo wax Dowlad dhaxe la yiraahdo’’ Ayuu yiri Cbadi Qeybdiid.

Waxaa ay xuseen in dowladda Soomaaliya ay ku xad gudubtay Dastuurka Dalka,sida Qodobka 111-E,qodobka 3-aad farqadiisa 3-aad,Cutubka Lixaad Qodobkiisa 55-aad,kuwaas oo muujinaya in dastuurka Soomaaliya lagu xad gudbay.

Halkan ka dhagayso