U bood dhigaalka

Maamullada Puntland iyo Galmudug oo Kala Saxiixday Heshiis Ku saabsan Qaadista Canshuuraha

Sheeko:Amniga

Wasaaradaha Maaliyadda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta waxaa ay ku kala saxiixdeen heshiis quseeyo qaadista canshuuraha labada maamul ka shir dhacay magaalada Gaalkacyo, ee gobolka Mudug.

Waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenada Maaliyadda maamullada Galmudug iyo Puntland, xubno ka socday Gobolka iyo laamaha Amniga, waana markii ugu horeysay oo cilaaqaad nuucaan ah uu dhex maro

Agaasimaha Guud Wasaaradda Maaliyadda dowlad goboleedka Galmudug Cumar Xasan Xaaj ayaa sheegay in Heshiiskan uu horseedi doono in wax badan ku soo kordhiyo sare u qaadista qaadista canshuurta labada dhinac.

Wasiir ku-xigeenada Maaliyadda Cabdi Warsame Ibraahim iyo Mukhtaar Cali Cismaan ayaa tilmaamay inay muhiim tahay dhaqangalinta heshiiskan ay labada dhinac ku gaareen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Goobjoog News