U bood dhigaalka

Maamullada Puntland Iyo Galmudug Oo Loogu Baaqay Dhaqan Gelinta Heshiiska Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah Nabadoona gobalka Mudug ayaa maamullada Galmudug iyo Puntland ugu baaqay dhaqan gelinta heshiiskii la gaaray colaadda Gaalkacyo, si bulshada ay u hesho nabad iyo kala dambeyn.

Nabadoon Badal Jaamac Xirsi oo oo la hadlay Idaacadda Goobjoog, ayaa sheegay in shacabka ay aad ugu dhib qabeen dagaalladii ka dhacay Gaalkacyo, haatanna ay u baahan yihiin nabad inay helaan/

Labada maamul ayuu ugu baaqay inay u turaan shacabka oo hadda ku barakacay duleedyada magaaladaasi, kana shaqeeyaan sidii dadkaasi dib loogu soo celin lahaa.

“Dagaal faa’idadiisa waan aragnay, waan in aan helnaa nabadda, waa in shacabka loo naxaa dibna loo soo celiyaa, waxaan ugu baaqayaa madaxda sharafta leh ee Puntland iyo Galmudug inay dhaqan geliyaan heshiiska Gaalkacyo” ayuu yiri Nabadoon Badal.

Dhinaca kale Nabadoon Badal Jaamac Xirsi ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka in ay ka shaqeeyaan sidii uu u dhaqan geli lahaa Heshiiska Gaalkacyo.

Goobjoog News