U bood dhigaalka

Maamullada Puntland Iyo Galmudug Oo Maanta Saxiixi Doona Heshiiska Nabadeynta Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Ka dib dadaallo badan oo la sameeyay, ayaa dowladda Federaalka oo kaashaneysa maamul gobaleedyada Jubbaland, Galmudug, IGAD, Qaramada Midoobay, iyo Midowga Africa waxay ku guuleystay in Galmudug iyo Puntland ay aqbalaan Afar qodob oo xal u ah dagaalkii Gaalkacyo.

Xildhibaan Axmed Ducaale oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News, in lasoo gabagabeeyay kulamadii is daba-joogga ahaa ee maalmahan ka soconayay Gaalkacyo.

Waxa uu xildhibaanka Sheegay in madaxda Galmudug iyo Puntland ay aqbaleen Afar qodob oo kala ah:-

  • In la kala qaado ciidamada
  • In la joojiyo xabadda
  • In dib loo soo celiyo dadkii guryahooda ka barakacay
  • In la wada hadlo

Xildhibaan Ducaale ayaa sheegay in maanta la filayo in Heshiiskaasi ay Labada dhinac qalinka ku duugaan, sidoo kalena la guda geli doono fulinta qodobada heshiiska ah.

Warar soo baxaya ayaa dhinaca kalena sheegaya in ay jiri doonaan kulamo ay qaadan doonaan waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News