U bood dhigaalka

Maamullka Magaalada Dhuusamareeb Ee Ahlu Sunna Oo Ka Hadlay Dadaallo Lagu Xoojinayo Ammaanka

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Dhuusamareeb ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ka hadlay dhowr qodob oo maamulka uu sheegay in maalmihii dambe ay ku howlanaayeen.

Guddoomiyaha Cabdullaahi Maxamed Barre ayaa ugu sheegay warbaahinta magaalada Dhuusamareeb in sugidda ammaanka magaalada ay tahay mid waajib uu ka saaran yahay qof walba.

Waxa uu ka warbixiyay guddoomiyaha dadaallo lagu hagaajinayo arrimaha Nabadgalyada, furitaan waddooyinka iyo muranno ka dhaxeeya dadka degaanka oo ku saleysan dhulalka.

“Magaalada Dhuusamareeb waayahaan waxaan ka wadnay olole isugu jira xagga amniga, waddooyinka oo la furayo iyo xalinta dhulalka ay isku heystaan dadweynaha deggan magaalada Dhuusamareeb, sidoo kale maxkamadda degmada oo si fiican iyana loo dardargeliyay howsheeda ayna joogaan dadka aqoon fiican u leh xagga garsoorka” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ku guuleysteen in waddooyin xirnaa oo isa socodka magaalada saameeyay in dib ay u fureen, isagoo dadweynaha ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan furitaanka waddooyinka magaalada.

“Dadka reer Dhuusamareebeed waxaan faraynaa inay ilaaliyaan waddooyinka oo xoog iyo maalba lagu bixiyo, maxaa yeelay haddii waddooyinka la hagaajiyo waxaa imaanaya walaalnimo ka fiican sidaan” ayuu yiri guddoomiyaha mar kale.

Guddoomiyaha ayaa ka digay in shaqo laga dhigto in la isku qabqabsado dhulalka isagoo u jeediyay bulshada in waddo walba oo magaalada ka xiran ay waajib tahay in la furo.

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda gobolka Galgaduud waxaa maalmihii dambe ka soconayay howlgallo ay ka wadeen ciidanka Ahlu Sunna waxaana soo ifbaxayay todobaadyadani isqabqabsiga dhulka ee magaalada iyo meelo ka baxsan Dhuusamareeb.

Goobjoog News