U bood dhigaalka

Maamul cusub oo loo magacaabay deegaano hoostaga maamulka Ximan iyo Xeeb

Sheeko:Dalka

Ximan-Iyo-XeebMaamulka Ximin iyo Xeeb ayaa maamulo u Magacabay degaano hoos taga Maamulkaasi ka dib socdaal xubno ka tirsan Maamulkaasi ay ku tageen deganada Gobolka Galgaduud.

Waxaa maalmahaan dambe socdaal ku maraayay deegaano hoostaga degmada Cadaado wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Xaaji Xuusen, ayaa hadana u kuur gelid ka dib waxa ay magacaabeen maamulo cusub.

Deegaanka Baxdo ayaa ka mid ah meelaha maamulkaan loo sameeyay, waxaana la sheegay in marka hore lala tashtay dadka deegaanka.

Salaad Cilmi oo ka mid ah mas’uuliyiinta Ximan iyo Xeeb ayaa warbaahinta u sheegay in dib u habeyn lagu sameeyay maamulka deegaanka Baxdo, ka dib markii uu is casilay gudoomiyahii hore ee maamulkaasi, waxaana gudoomiyaha cusub loo magacaabay Yuusuf Cali Kheyre.

Dhinaca kale waxaa la filayaa in maamul loo sameeyo deegaano kale oo Ximan iyo Xeeb hoostaga, waxaana qorshaha arintaan lagu sheegay in lagu doonayo sidii dib ay shaqooyin xoogan ugu bilaabi lahaayeen maamuladaan.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News