U bood dhigaalka

Maanta Oo Ku Beegan Maalinta Xuquuqda Qoraalka (Copy right)

Sheeko:Dalka

Markii ay kordheen daabacaadda noocyadeeda kala duwan ee buugaagta xambaarsan mowduucyo kala duwan ayaa la sheegaa in uu curtay fikirka ah xuquuqda daabacaadda oo afka Ingiriisiga lagu yiraahdo (Copy right) Sanadku markuu ahaa 1436

Waqtiga aan joogno oo ay horumar ballaaran samaysay tiknoolajiyadda casriga ah ayaa noqday xilli si  fudud loo kala xadayo qoraalada iyo suugaanta codka ah oo gambad iyo sharci qabasho midna aysan muuqan.

Adeegsiga hindise maskaxeed qof kale sida qoraal amaba sameynta muuqaal leyska qaato iyadoo aan lagu xusin howl qabtaha xilligaas ayaa lagu  sheegaa minguurin aragti qof kale.

Soo ifbixidda adeegsiga baraha bulshadu ay ku kulanto ayaa ugu badan goobaha laga adeegsado qoraallo iyo muuqaal aan intooda badan xigashadooda la sheegin iyadoo dadka adeegsada badankood qoraalladaas ay sheegtaan iney ka soo maaxatay maxkaxdooda.

Badankood dadku waxa ay u shaqeeyaan siyaabo kala duwan sida in magaca iyo wax dheef midood lagu helo howl qabadkoodii balse dadka la qaato qoraaladooda isla markaana aan la magac dhabin waxaa la sheegaa in niyad jab ay ku keento wax soo saarkoodii qoraal ama hindisa maskaxeedkoodii.

Axmed Sheekh Cali Axmed Buraalle waxa uu wax qorayey ku dhawaad 50-sano  iminka ayuu ka cabanayaa buugaagtii uu diyaariyey oo xigasho la’aan leysaga qaadanayo

Run ahaantii buugaagta aan qoro dhaqanka ayey intooda badan ka hadlaan waxaana hadda aan qaati ka taaganahay dad u badan ajaanib iyo Soomaali isbiirsaday oo si xushmad la’aan ah u qaata buugaagteyda magacaygana kuma xusaan waxaana ay arrintaas ay u muuqataa xad gudub leygu hayo shaqsiyan’’ ayuu yiri Axmed Buraale

Siyaaba kala duwan ayey ku tusaaleeyaan dadka qaata qoraalada aan lagu sheegin maskax maalka diyaariya.

Cabdulaahi Maxamed waa bare Muqdisho ka hawlgala inta badanna duruusta uu bixiyo kala soo baxa internet-ka

Ardayda aan waxbaro duruusta aan siiyo waxaan badankood  kala soo baxaa Internet-ka magac ahaan dadka buugaagta aan la baxayo qorayna kuma xuso oo ma baro ardayda waxaana cashiradaas bixiyaa iyadoo ardaydu ay u heystaan inaan soo qoray’’ ayuu yiri Macalin Cabdullaahi

Aragtida laga qabo qaadashada fikir qof kale oo aan haddana la xusin shacabku waa ay ku kala aragti duwan yihiin dadka qaar ayaa u arka tallaabo iska caadi ah halka kuwa kalena ay yihiin dad wax fahma oo dareen ahaanna qaba iney tahay xad gudub lagu hayo qalin maalka Soomaalida, niyad jabna u keeni karaya soo saaristooda ku aadan hal-abuurka

Maxamuud oo shacabka Muqdisho ka mid ah, in qoraallo ama buugaag leyska qaato xusid la’aan waxaan u arkaa in lagu xad gudbay muruq, maskax iyo maal dadeed”

Nimco oo shacabka Muqdisho ka mid ah ayaa iyana tiri “aniga waxay ila tahay arrin aan wanaagsaneyn talaabada lagu xadayo aragtiyaha dadka wax qora waxaana kuba talin lahaa in dadkaas maxkamad la soo taago’’

Sharcigu waa kala hagaha bulsho kasta oo meel ku wada nool waxaana dalkeena ka jira maxkamado siyaaba kala duwan u shaqeeya oo kala saaridda dadweynaha ku hawlan

Haddaba dalkeenu ma leeyahay sharci kala xadeynaya bulshada iyo dadka wax qora si loo ilaaliyo xuquuqda maskax maalka

Mar kale ayaan weydiiyey Axmed Sheekh Ali Axmed Buraalle oo todobaatameeyadii ahaa  khaali maxkamadeed ee dowladdii xilligaas jirtay.

Sharciga maxkamadaha kaga yaalla iska qaadashada qoraallo aan diyaariyihii lahaa lagu sheegin waxaa ka mida in la xukumo qofkaas haddiiba arrinkaas lagu helo iyo in mag dhow laga qaado ruuxii falkaas aan wanaagsaneyn ku kaca’’ waxaa sidaas inoo sheegay Axmed Buraale oo Todobaatameeyadii khaali maxkamadeed ahaa.

Si loo dhiirigeliyo qoraaga iyo hal abuuraha wadamada horumaray waxaa la sheegaa in ay jiraan maxkamado arrimahaas dadka ku kaca lala tiigsado waxaana sidaas himmad ku sii yeelanaya qoraa iyo hal abuure waliba oo haysta waddan ama qaarad laga tixgeliyo aragtidiisa.

Si loola dagaalamo dadka qoraalada xada waxa dunidu ay soo saartay habab badan oo lagula dagaalami karo dadkaa sida in la dacweeyo, in qoraalada copiga laga xiro iyo in lagu sharaxo buugaagta qoraallo cadeeynaya cidda qoraalka is kaleh.

Intaas oo dadaallo ah iyadoo ay jiraan haddana laguma guuleysan in la hakiyo burcadda qoraalada boobta.

Waxaa jira waddamo badan oo aan saxiixin ilaalinta xuquuqda qoraalka kuwaas oo u arka haddey saxiisaan in ay dhibaato u keeneyso muwaadiniintooda maadama dalalkaasi aysan haysan dhaqaale ay wax ku qoraan.

Dalkeenuna waxa uu ka mid yahay waddamada aan saxiixin coppy right inkastoo xeerarka caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqada qoraalka oo ay aqoonsan tahay qaramada midoobay uu qabanayo.

W/Q:- Cali Aadan Muumim

Tifaftiray: Bashiir Maxamuud Wehliye

Goobjoog News