U bood dhigaalka

Maareeye Oo Markale Loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay kursigi saddexaad oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ay gobalada waqooyi ku leeyihiin sidoo kalena ah kursiga koowaad ee doorashada maanta ka socota dugsiga tababarada ee Generaal Kaahiye.

Kursigaan tirsigiisu uu yahay HOP#225  ayaa waxaa  kuwada tartamayey Musharixiinta kala ah Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Cabdiraxmaan Warsame Siciid.

Maxamed Cabi Xayir Mareeye oo ku guuleystay kurasiga ayaa helay codad gaaraya 96 , oo ah codadka ergada halka Musharax Cabdiraxmaan Warsame Siciid uu helay 3 cod.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka gobalada waqooyi ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP#202 oo uu ku guuleystay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Goobjoog News