U bood dhigaalka

Maareeyihii Dekedda Berbera oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Xil ka Qaadistii Lagu Sameeyay

Sheeko:Dalka

Maareeyihii hore ee dekedda Berbera Injineer Cali Maxamed Xoor-xoor  oo ka hadlay  dareenkiisa ku aaddan xil ka Qaadistii madaxweyne Siilaanyo uu ku sameeyay, ayaa sheegay inaanuu wax dhibaato ah u arkin xilka laga qaaday oo uu la mid yahay shaqaalaha kale ee caadiga ah.

Injineer Cali oo ka hadlayay xaflad lagula kala wareegayay xilka maareeyaha dekedda Berbera ayaa sheegay iney caadi tahay xilka laga qaaday oo aanuu wax dhibaato ah u arkin:

“Anigu waxaan ahaa shaqaale  xukuumadda iyo shacabkaba u adeega , xilkaygu mar un ayuu ku ekaa sidii horeba mar la iiga qaaday ee hadana la iigu soo celiyey  dhib uma arko oo wasiirro la eryey ayaan la mid ahay un anigu”, ayuu Cali Xoor-xoor warbaahinta u sheegay .

Injineer Cali Xoor-xoor oo xilka ku wareejiyay maareeyaha cusub ee Dekedda  Yuusuf Dirir ayaa sidoo kale xusay in aanay jirin wax amar diiddo ah oo uu madaxweynaha kala hor yimid saxiixa heshiiska lala galay shirkadda DPworld ee maalgashiga dekadda  balse isaga iyo xukuumadu ay  ku kala aragti duwanaadeen,  taasina aanu u arkin wax mushkilad ah:

“ Aniga iyo xukuumadda inteeda kale ayaa ku kala aragti duwanaa  dekedda oo anigu aan mar kasta lahaa sidan ayey ku qurux badan tahay madaama aan heshiis la gelidda aan ka ahaa farsamo yaqaan, waana wax dhici kara kala duwanaashiyaha aragtidu”.

Injineer Cali Xoor-xoor ayaa ah masuulkii ugu waqtiga dheeraa ee Labaatankii sanno ee ugu dambeyey maamula dekedda Berbera.

Goobjoog News