Macalin Dilaa Ahaa oo La Dilay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay macalin dilaa ahaa oo ka tirsan Al-shabaab waa Maxamed Xaaji “Ilkacase” iyo rag kale Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed.

Sida ay qortay warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka ah, raggan ayaa lagu toogtay  fagaaraha dugsiga Booliska ee general Kaahiye.

Janaraal Cabdullaahi Buulle kamey, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida oo fulinta xukunka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in raggan ay dileen dad badan oo ay kamid ahaayeen, marxuum Cumar Maxamed Abiikar 10-08-2016, sareeye guuto Ismaaciil Axmed Ismaaciil(Makayaalo) 28-10-2016, iyo marxuum Cabdulqaadir Daahir Diiriye 16-01-2018, lagu fuliyay dilka maanta oo taariikhdu tahay 29-11-2020.

Goobjoog News

Related Articles

59 Comments

  1. Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo isna goobta hadlay waxaa uu yiri “Baarlamaanku waa in hayb sooca ay ka curiyaan ama ka sameeyaan sharci adag, Waxaan ka codsanaynaa hey’adaha dambi baatista waa in nidaam cadaaladeed ay ku baaraan dhacdii lagu dilay ninkaas, oo aaney wax u dhicin sidii aan arki jirnay Xildhibaan Maxamed Nuur Iftin  oo ka mid ahaa xildhibaannadii arrintan ka hadlay waxaa uu yiri ” Maxaa naloo dilaa, maxaa naloo dhacaa, maxaa naloo kufsanaa haddii aan nahay Jareer, dadka ayaan la mid nahay, oo diinta ayaa na walaaleysay! Haddii Guurka Jareer la isku dilaa, waxaan leeyahay idinku is guursada gabdho qurxoon waa inaga buuxaane.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW