U bood dhigaalka

Macallin Aweys Aar “Som United Waxaan Ugu Mahadcelinaynaa Garab Istaagooda Wanaagsan ”

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa maaliyadaha lagu sameeyo tababarka ku wareejisay Akadeemiyada Itaal FC ee ka dhisan magaalada Muqdisho,mana ah markii kowaad ay Som United qalab isboorti ku wareejiso da’yarta Itaal FC,waxayna madaxda Som United balanqaadeen in ay garab istaagayaan horomarka dhallinyarada Itaal FC.

Maamulaha ahna aas aasaha Akadeemiyada Itaal FC Aweys Xaaji Nuur ayaa u mahadceliyay madaxda Som United sida marwalba ay ugu war qabaan horomarka Akadeemiyada,isagoo sheegay in tani ay ku dhiirigelinayso horomarka ay ka lee yihiin kubbadda cagta Soomaaliya.

Tababaraha kooxda Da’yarta Som United Hatun Cabdiqaadir Daahir ayaa isna sheegay in uu ku faraxsanahay hamiga ay lee yihiin maamulka iyo ciyaartooyda Itaal FC,isagoo balanqaaday in marwalbo ay garab taaganyihiin hadafka horomarineyd ee Itaal FC.

12-December 2020 ayay aheyd markii kowaad ay kooxda Som United caawiso Akadeemiyada Itaal FC,waxaana xiligaa da’yarta Itaal lagu wareejiyay qalab dhameystiran,iyadoo madaxda Som United ay warbaahinta u sheegeyn in ay xili walbo garab taaganyihiin horomarinta kooxda Itaal FC.

Daawo Warbixin Ku Saabsan Qalab Wareejinta Itaal FC

Si kastaba Som United iyo Itaal FC ayaa shanta sano ee socota rajanaya in ay si wadajir u soo saraan dhalinyaro tayo wanaagsan oo wax badan ka badasha hanaanka farsamo ee kooxaha kubbadda cagta iyo Xulka Qaranka  Soomaaliya.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle