U bood dhigaalka

Macallin Aweys Aar “Xiriirka Kubadcag Yaraha Soomaaliya Waan Kaga Mahadcelinaynaa Dhiirigelinta Ay Noo Sameeyeen”

Sheeko:Cayaaraha

Macallin Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar) oo Muqdisho ka aas aasay kooxda Itaal Football Club ayaa u mahadceliyay madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadcag yaraha dhiirigelinta wanaagsan ay u sameeyeen da’yarat Itaal Football Club, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay horomarinta iyo guulaha da’yarta kooxda kubbadda cagta Itaal.

“Waan u mahadcelinaynaa madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadcag yaraha aqoonsiga ay u sameeyen akadeemiyada Itaal, runtii ma garanayo si aan ugu mahadnaqo, balse waxaan lee yahay mahadsanidiin 100%” ayuu Goobjoog Sports macallinka kooxda Kubbadda Cagta Itaal Football Club Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)

Dhinaca Kale Macallin Aweys Aar wuxuu bogaadiyay dadkii gacanta ka geystay horomarka ay kooxda Itaal Football Club, isagoo sheegay in maanta Itaal ay horseed u tahay horomarka iyo geedi socodka kubbadda cagta Soomaaliya sanadaha soo aadan.

“Macallin Cawil iyo maamulka Som United, waxay ahaayeen dadkii gacanta weynta naga siiyay guulaha akadeemiyada Itaal, waligay ma iloobi-doono garab ay i siiyeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay aas-aasaha ahna tababaraha akadeemiyada Itaal  Aweys Aar.

Daawo Macallin Aweys Oo Ka Warbixiyay ITaal FC

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/xiriirka-kubacag-yaraha-soomaaliya-oo-kulan-dhiirigelin-ah-u-sameeyay-akadeemiyadda-itaal-oo-muqdisho-ka-aas-aasay-weriye-aweys-aar/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle