U bood dhigaalka

Macallin Axmed Tahliil Cali “Waan U mahadcelinaynaa Guddoomiye Cali”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka BanaadirCali Cabdi Wardheere (Cali Yare)  ayaa kulan mahadcelin ah u sameeyay Macallinka kooxda Galmudug Axmed Tahliil Cali ee kaalinta labaad ka gala tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

“Maanta waxaan casumay Tabobaraha Xulka Galmudug Mudane Axmed Tahliil oo aan ka sheekeysanay sidii loo sii xoojin lahaa Naadiga iyo baahiyaha taagan ee loo baahan yahay in si deg deg loo daboolo,iyada oo ay iska kaashanayaan dhammaan qeybaha kala duwan ee Galmudug” ayuu sheegay Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cali Yare.

“In kasta oo aan xubin ka ahay masuuliyiinta Gobolka Banaadir,haddana marka ay timaado Galmudug waa meel si gaar ah Soomaalidu iigu taqaano oo aan ka soo shaqeeyay intii u dhaxeysay Sannadihii 2018-2020, waana tan igu qasbeysa in aan u qaado laxa-jeclo ii gaar ah oo aanay dad badan ila wadaagin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare).

Kooxaha Goboka Banaadir iyo Galmudug ayaa markii ugu horeesay soo gaaray heerka ugu danbeeya tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka,inkastoo 2020 koobka Maamul Goboleedyada ay rigoorayaal ku hanteyn xidigaha kooxda Gobolka Banaadir.

“Wuu mahadsanyahay Guddoomiye Cali Yare sida wanaagsan uu noo qaabilay,waxaan ugu mahadcelinaynaa sida uu marwalbo u jecel Yahay horomarka kooxda kubbadda cagta Galmudug,wuxuuna guddoomiyaha inoo balanqaaday in garabkeena yahay,anana waxaan ugu mahadcelinaynaa kaalintiisa” ayuu Goobjoog Sports u sheegay tababaraha kooxda Galmudug Axmed Tahliil Cali.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle