U bood dhigaalka

Macallin Farayare “ Macallin Cabdi Joon Waan Ku Amaanayaa Shaqada Wanaagsan Uu Ka Qabtay Dhisida Kooxda Raadsan”.

Sheeko:Cayaaraha

Macallinka kooxda Kubbadda Cagta Raadsan Maxamed Cabdulle Farayare ayaa u mahadceliyay tababarihii hore kooxda Raadsan Cabdiwali Maxamed Maxamuud ( Cabdi Joon) sida wanaagsan uu u dhisay kooxda Raadsan oo ka mid ah kooxaha kubbadda cagta horyaalka Soomaaliya.


“Ma aheyn shaqo fudud sida uu Tababare Cabdi Joon u dhisay kooxda Raadsan, runtii waa wax aad looga mahadceliyo laguna amaano” ayuu Goobjoog Sports u sheegay macallinka Kooxda Kubbadda Cagta Raadsan Maxamed Cabdulle Farayare


Sidoo kale Macallin Farayare wuxuu bogaadiyay da’daalka maamulka sare ee kooxda kubbadda cagta Raadsan, isagoo qiray in ay is badal ka sameeyeen horomarka naadiga Raadsan.


“Runtii waxaan qirayaa in da’daal sare lagu bixiyay horomarka ay gaartay kooxda Raadsan, maanta Raadsan waxay ka mid tahay kooxaha tayada wanaagsan ee kubbadda cagta Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay macallinka kooxda kubbadda cagta Raadsan Maxamed Cabdulle Farayare.


Tababare Maxamed Cabdulle Farayare wuxuu sheegay in sababta uu u qabtay shaqada kooxda Raadsan ay tahay in aqoontiisa uu ku biiriyo iyo in uu wax ku daro, halkii ay naadiga keeneen macallintii soo maamulay Raadsan ee kala ahaa Cabdi Weli Maxamed (Cabdi Joon) iyo Axmed Cabdiraxmaan Cumar (Gidaamow).

Daawo Macallin Farayare Oo Amaanay Cabdi Joon 

 

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan 

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/tababare-maxamed-cabdulle-farayare-horomar-weyn-ayaan-ka-geysan-doonaan-kooxda-kubbadda-cagta-raadsan/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle