U bood dhigaalka

Macallin Soomaaliyeed Oo Lagu Xiray Dalka Spain

Sheeko:Dalka

Jaamac Aadan ( Jaamac Karaaciin)  oo  ah macallin Soomaaliyeed oo ciyaaraha Fudud ayaa lagu soo waramayaa ciidanka  Booliiska qabteen markii ay ku weerareen qol uu ka daganaa hoteel ku yaalla halka lagu magacaabo Sabadell ee woqooyiga magaalada Barcelona.

Tababaraha Soomaaliyeed iyo mid aan la magacaabin  oo isna ahaa macallin Jimicsi oo u dhashay Morocca oo la shaqeynayay isaga ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay maamulayeen misane qeybinayeen waxyaabo ka dhan ah Orodyahannada.

Jaamac Karaaciin oo tababare u ahaa gabadha u dhalatay  Ethiopia Genzebe Dibaba ee heysata Record-ka  1,500-mitir ee gabdhaha ayaan weli ka hadlin  arinta lagu xiray.

Dibaba oo 25-jir, ayaa heysata Recod-ka Dunida  ee oradada haweenka waxayna ugu cad cadeed inay billada dahabka kala soo hoyato ciyaaraha  Olympic-ada adduunka ee  bisha August ka furmi doona magaalada  Rio de Janeiro ee dalka Brazil.

somalii

Oradyahannada kale uu Jaamac Aadan Karaaciin  soo tababaray ayaa waxaa ka mid ah, ninka Labada jeer ku guuleystay 800 Mitir  Abubaker Kaki Khamis iyo Ahmed Ismael  oo ku guuleystay biladda qallinka tartankii Olympic-ada 2008 Beijing ee 800-mitir Labaduba waxay kasoo jeedaan Sudan iyo waliba ninka ku guuleystay tartanka 1,500-mitir  ee ciyaarihii Olympicada ee  ka dhacay magaalada  London 2012 Taoufik Makhloufi ee u dhashay dalka Algeria.

Wakaaladda Spain ee iyadu la dagaasha waxyaabaha daroogada ah ayaa sheegtay in wararka sheegaya in daroogada laga helay qolka macallinka Jimicsiga ee la shaqeynayay midka Soomaaliyeed ay tahay war sax ah.

Sidoo kale waxaa waxyaabaha la mamnuucay laga baaray  20 orod yahan oo ku sugnaa hoteelkii la soo weeraray inkastoo aan la magacaabin  ciyaartoydaas  mana jirto ilaa iminka mid ka hadlay.

Orodyahnnada ku jiray hoteelkii lagu weeraray macalinka Soomaaliyeed ayaa intooda kaso jeeda dalalka Africa iyo Aasiya sida dalalka Somalia, Ethiopia, Djibouti, Algeria, Saudi Arabia, Egypt iyo dalka Qatar.

Goobjoog News