U bood dhigaalka

Macron Oo Markale Ku Guulaystay Doorashada Faransiiska

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron ayaa markale ku guulaystay doorashada madaxtinimada dalka Faranasiiska.

Dadweynaha Faransiiska ayaa shalay oo Axad ahayd u safaf dhaadheer u galay codbixinta wareegga labaad ee doorashada madaxtinimada Faransiiska oo ay ku loolamayeen Macron iyo haweeneyda midigta fog ee Marine Le Pen.

Doorashada oo ahayd mid aad u adag ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu ku soo baxay markale madaxweynaha faransiiska Emanuel Macron kaas oo helay codadkii looga baahnaa.

Macron oo ka socday xisbiga magaciisa loosoo gaabiyo LREM ayaa helay 58.6% codadkii la dhiibtay, halka Lee oo ka socotay xisbiga RN ay heshay 41.4%.

Goobjoog News