U bood dhigaalka

Madaafiic Kusoo Dhacday Nawaaxiga Villa Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Tiro madaafiic ah ayaa lagu soo waramayaa iney maanta kusoo dhaceen nawaaxiga xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Madaafiicdan oo la sheegay iney Hoobiyeyaal ahaayeen ayaa kusoo dhacay agagaarka 15 May iyo sidoo kale Caga-dhiig, kuna dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Goob jooge ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in madaafiicda halkaasi kusoo dhacday ay tiro ahaan gaarayeen Saddex, waxaana ay qalqal ku beereen  dadka shacabka ah.

Weli lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay Hoobiyeyaashan, balse waxay qeyb ka yihiin tiro dhowr jeer oo sidan oo kale madaafiic loogu soo tuuray nawaaxiga Villa Soomaaliya.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin internetka waxay ku sheegteen mas’uuliyadda madaafiicdaasi.

Laamaha ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax war ah kama aanay soo saarin madaafiicdan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News