U bood dhigaalka

Madaafiic Lagu Garaacay Deegaanka Bariirre Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Dad  ku sugan duleedka deegaanka Bariirre ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in dhowr madfac habeenkii xalay ahaa lagu soo tuuray deegaankaasi.

Madaafiicdan ayeey sheegeen iney ka imaanayeen dhanka ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, kadib dagaallo xooggan oo shalay ka dhacay deegaankaasi.

Lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdan, hase ahaatee shacabkii ku dhaqnaa deegaankan ayaa shalay intoodii badnaa ka barakacay halkaasi.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa shalay waxay dagaal saf ballaaran ah ku qaadeen deegaanno ay gobolka Shabellaha Hoose ka maamulaan Xarakada Al-shabaab.

Dagaalladan waxaa ka dhashay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed isugu jira.

Saakay oo  Axad ah, waxaa deegaanno ka tirsan Shabellaha Hoose laga soo sheegayaa iney dhaq dhaqaaqyo ciidan wadaan, ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News