U bood dhigaalka

Madaafiic Lagu Garaacay Isbitaalka Guriceel iyo Khasaaraha Dagaalk Oo Kordhay

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Gurciceel ayaa sheegaya in goordhaw tira madaafiic ah ay ku dhaceen Isbitaalka weyn ee magaalada.

Qaar ka mid ah dadka ku sugan Isbitaalka oo Goobjoog News  ay xiriir la sameysay ayaa u suura gali weysay in aan la hadalno xilli ay sheegen in ay naftooda kala baxsadeen Isbitaalka.

Xaaladda magaalada ayaa sidoo kale lagu soo waramaya in ay aad u kacsan tahay lagana cabsi qabo in markale uu dagaal magaalada ka dhex qarxo.

Wararka naga soo gaarayo magaalada ayaa sidoo kale sheegaya in goordhaw uu dhintay taliyihii nabad sugidda ee garoonka dhuusamareeb Cabdiqani Maxamed Diiriye.

Goobjoog News