U bood dhigaalka

Madaafiic Lagu Weeraray Fariisin Ciidamada AMISOM Ku Leeyihiin Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Madaafiic ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu weeraray fariisin ciidamada AMISOM ku leeyihiin magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo magaciisa diiday in la xigto ayaa Goobjoog News u sheegay in dhowr jiho xalay madaafiic looga soo tuuray ciidamada AMISOM, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha halkaasi ka dhashay.

Waxa uu sidoo kale inoo sheegay in madaafiicdaan ay kasoo dhacaysay jihooyinka Buuraha magaalada, iyo Buulo Jaan, iyadoo ciidanka AMISOM ay duqeyntaasi jawaab ka bixinayeen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Marka ayaa lagu soo waramayaa in saaka ay howlgallo halkaasi ka wadaan.

Magaalada Marka ayaa amni ahaa maalmihii ugu dambeysay aad uga sii daraysay, waxaana magaaladaasi kusoo batay dilalka iyo sidoo kale qaraxyada.

Goobjoog News