U bood dhigaalka

Madaafiic Lagu Weeraray Saldhig AMISOM Ku Leeyihiin Duleedka Ceelasha Biyaha

Sheeko:Amniga

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la sheegay in xalay saqdhexe ay dhowr madaafiic oo hoobiye ah ku weerareen saldhig ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Arbacow ee duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen madaafiic dhowr ah oo ku dhacday gudaha iyo banaanka saldhiggan, kuwaasi oo daqiiqado socday.

Sidoo kale, waxay goob joogayaasha sheegayaan in AMISOM dhankeeda ay jawaab ka bixisay duqeyntan, balse lama oga khasaaraha guud ee ka dhashay.

Al-shabaab ayaa marar badan sidan oo kale waxay madaafiic ugu weerareen saldhigyada ciidamada AMISOM ku leeyihiin gobollada dalka.

Saldhiggan xalay lagu tuuray madaafiicda ee AMISOM ku leeyihiin deegaanka Arbacow ayaa waxaa si gaar ah u deggan ciidanka ka socda dowladda Burundi.

Goobjoog News