U bood dhigaalka

Madaafiic Xalay Lagu Weeraray Jowhar iyo Maamulka Hirshabeelle Oo War Ka Soo Saaray

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo weerar madaafiic loo adeeg saday oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Madaafiicda ayaa la sheegay in ay si gaar ah uga dhaceen xaafadaha Horseed iyo Hanti-wadaagga, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka madaafiicda loo adeegsaday, ee ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Hirshabeelle.

Xaaladda magaalada Jowhar ayaa sakaa ah mid dagan kadib weerarkii xalay, ciidamada Ammaanka ayaa saaka waaberigii hore baaritaano ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada.

Maamulka Hirshabeelle ayaa dhankooda war ka soo saaray Weerarka xalay lagu qaaday magaalada.

Wasaaradda Amniga dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa sheegtay in aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay Madaafiicda.

” Qaswadayaasha Al-Shabaab ayaa isku dayay ineey carqaladeyaan Amniga Caasimada Hirshabelle ee Jowhar kadib markii hoobiye kusoo tuureen, laamaha Amniga hirshabelle oo heegan kujiray ayaa goobahii eey kasoo tuureen gaaray iyagoo halkaas ka firxaday qaswadayashii, goobahii eey kasoo tuurena waxaa hada jooga ciidanka, mana jiro qasaaro ka dhashay ayaa lagu yiri, Warka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Hir-Shabeelle.

Goobjoog News