U bood dhigaalka

Madal Wada Tashi Oo Looga Dhawaaqay Shirkii u Dhaxeeyay Dowladda Iyo Maamul Gobaleedyada

Sheeko:Dalka

Iyadoo manta magaalada Muqdisho uu kusoo gaba gaboobay shirka wada tashiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maa gobaleedyada, ayaa hadana waxaa shirkaasi looga dhawaaqay madal wadatashi ah.

Madashaan ayaa ka kooban Madaxweynaha, gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, maamul gobaleedyada iyo ururada bulshada rayidka ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa noqonaya 25 mudane, 10 wasiir oo ka mid ah xukuumadda Soomaaliya, 5 ka mid ah wasiirada maamul gobaleedyada, Min Laba wakiil oo ka socda gobalada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, Seddax wakiil oo Gobalka Banaadir ka socda, iyo Shan Wakiil oo ka socda ururada bulshada rayidka ee dalka oo dhan ka jira.

Xubnaha beesha caalamka ee ay hogaaminayso Qaramada Midoobay, ayna ka mid yihiin Midowga Yurub, IGAD, Midowga Afrika, Maraykanka, Talyaaniga iyo Sweden ayaa iyaguna la sheegay in ay kormeeri doonaan howlaha ay qabanayaan xubnaha madasha.

Bisha soo socota ee October 14-keeda ayaa waxay yeelanayaan kulanka ugu horeeyo oo ay kaga hadli doonaan hanaanka ay noqon doonto doorashada dalka ka dhacaysa 2016, waxaana kulanka xiga ay yeelanayaan January 2016 iyaga oo ka shiri doona qaabka loo soo xulayo xildhibaanada Barlamaanka.

Goobjoog News